Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiliga la bilaabayo wejiga labaad ee dhimista ciidanka ATMIS oo la shaaciyey

Taliyaha Ciidamada ATMIS Sarreeye Guud Sam Okiding ayaa Maanta magaalada Muqdisho, warbaahinta uga warbixiyey guulaha ciidamada ATMIS ay gaareen, taageerada ay siiyaan Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya iyo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

Sarreeye Guud Okiding ayaa sheegay in u diyaar garowga wejiga labaad ee dhimista 3,000 oo askari oo ATMIS katirsan ilaa dhamaadka bisha September ay meel fiican marayso.

Taliyaha Ciidamada aya sheegay in ay ATMIS sii wadi doonto la shaqeynta dhow ee ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS iyo saaxiibada kale si loo xaqiijiyo in si habsami leh loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya mas’uuliyadda amniga dalka.

Wuxuu ku celceliyay in ATMIS ay dejin doonto tillaabooyin looga hortagayo dib u dac amni oo yimaada ka dib marka ay ka baxdo Soomaaliya dhamaadka Disembar 2024-ta.

 

Related posts

Xogta kulan dhexmaray RW Ku-xigeenka DF & Wasiirka arrimaha dibeda Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Sadex Wasiir oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay (Akhriso Magacyada)

admin

Shir Jaraa’id: Wasiirada Arrimaha dibeda Somalia & Masar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---