Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ruushka oo sheegay in diyaaradda Prigozhin laga yaabo in si ulakac ah loo soo riday

Kremlin-ka ayaa sheegay in baarayaashu ay ka fiirsanayaan suurtagalnimada in diyaaradda sidday madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha Yevgeny Prigozhin si ula kac ah loo soo riday, taasoo ah qirashadii ugu horreysay oo cad oo laga yaabo in la dilay.

“Waa wax iska cad in noocyo kala duwan la tixgeliyo, oo uu ku jiro nooca – waad garanaysaa waxa aan ka hadlayno – aan nidhaahno, weerar ula kac ah,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov oo suxufiyiinta la hadlay markii wax laga waydiiyay baaritaanka.

Mar la weydiiyay haddii Hay’adda Duulimaadyada Caalamiga ah ay baaritaan ku sameyn doonto shilka, Peskov wuxuu sheegay in xaaladdu ay ka duwan tahay, inkastoo uu ka digay in baarayaashu aysan weli go’aan rasmi ah ka gaarin waxa dhabta ah ee dhacay.

“Aan sugno natiijada baaritaankeena Ruushka,” ayuu yiri Peskov.

Diyaaradda gaarka ah ee Embraer jet ee Prigozhin ay ku socotay St Petersburg kana soo duushay Moscow ayaa ku burburtay waqooyiga Moscow 23-kii Agoosto, waxaana ku dhintay dhammaan 10-kii qof ee la socday, oo ay ku jiraan laba qof oo kale oo sarsare oo ka tirsanaa hogaanka kooxda Wagner, afartii ilaalada ee Prigozhin iyo shaqaale saddex ah.

Sababta ilaa hadda ma cadda, balse dadka tuulada ka ag dhawaa ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay maqleen jug ka dibna ay arkeen diyaaradda oo dhulka ku soo dhacday.

Diyaaradda ayaa burburtay laba bilood oo keliya tan iyo markii uu Prigozhin la wareegay gacan ku haynta koonfurta magaalada Rostov dabayaaqadii bishii June, taasoo ahayd gadood ruxay aasaaska Ruushka ee Madaxweyne Vladimir Putin.

Ruushka ayaa ku wargeliyay hay’adda baarista diyaaradaha ee Brazil inaysan baaritaan ku sameyn doonin burburka diyaaradda Embraer (EMBR3.SA) ee Brazil lagu sameeyo iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah.

Mar wax laga weydiiyay warbixintaas, Peskov wuxuu yiri: “Ugu horreyntii, baaritaanku wuu socdaa, guddiga baarista ayaa arrintan ku hawlan.”

“Xaaladdan ma jiri karto hadal ku saabsan dhinac kasta oo caalami ah,” ayuu yiri Peskov.

Guddiga kormeera baaritaannada shilalka duulista ee Ruushka, ayaa sheegay in aysan baarayn shilkan, iyaga oo intaa ku daray in aysan ka hadli doonin xaaladaha shilka. ”

Maalin ka dib shilka, Putin waxa uu tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay, wuxuuna sheegay in uu muddo aad u dheer garanayay Prigozhin, tan iyo sannadihii fowdada ahaa ee horraantii 1990-meeyadii.

Kremlin-ka ayaa diiday oo ku tilmaamay “been buuxda” soo jeedinta qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer galbeedka iyo falanqeeyayaasha oo ah in Putin uu amray in Prigozhin la dilo si aargoosi ah inkastoo aysan jirin wax cadeyn ah oo arrintaas muujinaya.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in aanu la yaabin geerida, isla markaana aanay aaney ka dhicin Ruushka oo aanu Putin ka dambeyn.

In kasta oo uu ku guulaystay dagaalkii ugu dhiigga badnaa ee Ukraine uu Putin ku qabsaday Bakhmut, haddana Prigozhin waxa uu aad uga carooday wax uu ku sheegay fashilaadda khiyaanada ah ee ciidammada Putin  waxana uu ka digay in Ruushku lumin karo dagaalka Ukraine oo dhan.

Related posts

RW Rooble oo arrin Muhiim ah kaga hadlay kulan ka dhacay Villa Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Hogaamiye Merera Gudina iyo boqolaal kale oo laga sii daayey xabsiga

Caydiid Ali

Ninkii Muslimiinta ku laayay dalka New Zealand oo Maxkamad lasoo taagay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade