Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo talaabo qaadaya ka dib afgembigii ka dhacay dalka Gabon

Sida uu sheegay madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee ururka Josep Borrell, Wasiirada difaaca ee Midowga Yurub ayaa ka wadahadlaya xaaladda Gabon oo maanta uu ka dhacay afgembi Milateri.

“Haddii tani la xaqiijiyo, waa afgambi kale oo militari kaasoo kordhinaya xasillooni darrada gobolka oo dhan,” Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Mr Borrell isagoo ka hadlayay shir ay wasiirrada difaaca Midowga Yurub ku yeesheen magaalada Toledo ee dalka Spain.

“Gobolka oo dhan, laga bilaabo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, ka Mali, ka dibna Burkina Faso, hadda Niger, laga yaabee Gabon, waxay ku jirtaa xaalad aad u adag oo hubaal la’aan ah wasiirada waa inay si qoto dheer uga fikiraan waxa halkaas ka socda iyo sida aan u hagaajin karno siyaasadeena ku aaddan dalalkan,” ayuu yiri Josep Borrell.

Saraakiisha ciidamada ayaa ka soo muuqday saakatelefishinka qaranka Gabon iyagoo sheegay inay la wareegeen xukunka.

Waxa ay sheegeen in ay baabi’inayaan natiijadii doorashadii Sabtidii ka dhacday dalkaasi oo lagu dhawaaqay in madaxweyne Cali Bongo uu ku guuleystay.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Mr Bongo Afgambigiisu uu soo afjari doonaa 53 sano oo qoyskiisu ay xukunka Gabon hayeen.

 

Related posts

Xildhibaanada BF oo xaflad mahad celin ah loogu sameeyey Tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali

Rasaas Wali ka dhax socota Wasaarada Shaqada iyo Al Shabaab oo War soo saartay

Cabdi Cade

Milatariga Soomaaliya oo bur buriyay xarumo Al Shabaab lahaayeen iyo gaari qarax waday oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---