Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa xarigga ka jaray Wajiga 1-aad Dhismaha Wadooyinka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Baydhabo u gaaray furitaanka mashruucan.
Mashruucan oo lagu dhisay jidad badan oo ku yaalla magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalgeliyey dhismihiisa bankiga Adduunka sida uu sheegay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed
Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa intaas ku daray in mashruucan uu yahay wejigii koowaad, ayna jiri doonaan dhowr weji oo sidoo kale jidad badan looga hirgelinayo magaalada.
Waxaa uu xusay in dhismayaasha jidadkan ay kaalin weyn ka qaadan doonaan soo celinta bilicda magaalada, horumarka, ganacsiga iyo sugida amaanka.
Waxaa uu u mahad celiyey bankiga aduunka iyo heyadihii kale ee gacanta ka geystay dhismaha mashruucan isagoo shacabka magaalada Baydhabo ugu baaqay iney ka shaqeeyaan nabada iyo horumarka.