Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Sool ayaa maanta kormeeray taliska Goojacade, oo ahaa saldhigii ugu weynaa xarumaha lagala wareegay maamulkii Somaliland ee laga saaray Gobolka Sool.
Axmed Karaash ayaa kormeeray xarumaha kala duwan ee taliska Goojacade, waxa uuna indhihiisa kusoo arkay fariisimihii ciidanka maamulka Somaliland laga saaray maalintii Jimcaha.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa kormeerka kaddib kulan la qaatay saraakiisha ciidanka ee halkaasi ku sugan Hadda, isagoo ku boggaadiyey guusha ay usoo hooyeen dadkooda iyo deegaankooda.
Dagaalkii bilooyinka ka socday magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda ayaa soo dhammaaday, kaddib markii ciidanka Somaliland dagaal looga saaray saldhiggii Goojacadde oo aheyd taliskii ugu weynaa ee maanulka Somaliland ku lahaayeen gobolka Sool.