Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo tagay Deegaan u dhaxeeya Guriceel iyo Ceelbuur (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray deegaanno kuyaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ay joogaan ciidanka xoogga dalka.

Qoor Qoor waxaa safarka ku wehliyay masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya uu ku jiro wasiirka gaashaandhigga, waxa ayna gaareen deegaanka Bari Ujeed ay joogaan ciidankii kasoo baxay degmada Ceelbuur.

Safarka Madaxweynaha ku tagay xadka Ceelbuur ayaa ayaa ujeedkiisa lagu sheegay u kuurgelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirragelinta ciidamada qalabka sida ee dhawwaan qabsaday degmada Ceelbuur.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo masuuliyiinta la socota ayaa safarka ay ku tageen deegaanka Bari Ujeed imaanaya, xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib uga soo baxeen degmada Ceelbuur iyo deegaanno kale ay dhawwaan ka saareen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Markab ay la socdaan Ciidamo badan oo loo soo diray Xeebaha Somalia iyo ujeedka oo la ogaaday

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo caawa gudaha u galay Guriceel

Cabdi Cade

Cabsi xoogan oo lasoo daristay Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhaxe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---