Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo tagay furumaha hore ee Dagaalka kana bilaabay abaabul Dagaal

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kormeer booqasha ah ku tagay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Cali Guudlaawe ayaa furumaha uu tagay kula kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka hoggaamineysa, waxa uuna kala hadlay sida ay diyaarka ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, isagoona ku dhiirigaliyay in ay qeyb ka noqdaan ciribtirka Kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ahaa mid uu ugu kuurgalayo xaaladaha Ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ayaa ku boggaadiyay guulaha lama ilaawaanka ah ee ay soo hoyeen, isagoo xusay in Al Shabaab laga sifeyn doono guud ahaan dalka.

Guudlaawe ayaa si kmg ah u saldhigtay deegaannada Cad-cadeey iyo Cadaanlaxeey si uu uga hogaamiyo duulaaanka lagu ciribtirayo Al Shabaab,waxa uuna ciidamada faray inay gutaan waajibkaadka saaran ayna gaba-gabeeyaan cadowga umadda Soomaaliyeed.

Socdaalka uu madaxweyne Cali ku tagay farumaha hore ee dagaalka gaar ahaan xadka Sh/Dhaxe iyo Galgaduud, ayaa imaanaya xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kasoo baxeen deegaanno iyo degmooyin katirsan Galgaduud ay horey uga saareen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay degmada Belad-xaawo

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo soo saaray Amar ku socda Laamaha Ammaanka iyo Maaliyadda danna u ah bulshada

Cabdi Cade

Madasha WUF12 oo laga furay Qaahira & Somalia oo..

Caydiid Ali