Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo baaq ku aadan Xaalada Laascaanood u diray Dowladda Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq nabadeed kasoo saaray xaalada magaalada Laascaanood, oo muddo bilooyin ah ku dagaallamayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo.

Sheekh Shariif ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood uu galaaftay nolosha dad badan oo dambi galin una badnaa shacab , sidoo kale ku barakaceen dad kale oo badan, isagoona ku baaqay in dagaal dambe uusan ka dhicin Laascaanood.

”Dagaalkan wuxuu qixiyay shacab badan oo xaalado kala duwan ku sugnaa intii uu socday, waxaa ku dhintay dad aan waxba galabsan waxaas oo dhibaato ahna waxay ahayd wax laga baaqsan karay. Maadaama ay dhibaatadu socotay in muddo ah horeyna baaqyo kala duwan aan uga soo saarnay waxaan markale ku celinaynaa in dagaal dambe uusan dhicin, dadkii guryahooda ka barakacay dib ugu soo noqdaan, colaaddana lagu dhameeyo wada hadal” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku dhiirogaliyay Somaliland iyo Khaatumo in mar kale uusan dagaal dhicin ayna wadahadal ku dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya, waxa uuna isimada labada dhinac ugu baaqay in nabadda u istaagaan.

”Labada dhinac ee dagaallamay waxaan ku dhiirra gelinaynaa in Nabadda fursad la siiyo, miiska wada hadal kana shuruud la’aan lagu soo noqdo, annagoo fahamsan heerka xun ee ay colaaddu gaartay haddana waxaan indheer garadka iyo isimada dhaqanka la gudboon inay u istaagaan sidii dagaalka halkiisa loogu joojin lahaa, dadka dariska ah ee walaalaha ah ee waligood deegaan wadaagga ahaana loo heshiisiin lahaa” ayuu yiri Shariif.

Ugu dambayn Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Dowladda Fedraalka in ay qaadato dowrkeeda ku aaddan nabadaynta iyo heshiisiinta labada dhinac, kana shaqeyso in mar kale uusan dhicin dagaal wiilal ku dhintaan , sidoo kale ka shaqeyso sidii dadkii qaxay guryahooda ugu laaban lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdi Xaashi oo loo sameeyey Musharax Malxiis ah & Guddiga doorashada gobolada Waqooyi oo

Caydiid Ali

Darawal gaari Ambalaas ah ku qaaday Bulkeeti oo la ganaaxay !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxaa ka dhacay degaanka Masaajid Cali-guduud? (DF oo War soo saartay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---