Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo isaga baxay degmada Ceelbuur iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasi isaga baxeen saacadihii lasoo dhaafay.

Ciidamada oo Jimcihii la wareegay degmada Ceelbuur ayaa shalay gelinkii dambe isaga baxay degmada , waxa ayna u ruqaansadeen dhinaca degmada Curiceel, waxaana lasoo sheegayaa in ay ciidanka joogaan deegaanno u dhaxeeya Ceelbuur iyo Guriceel.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in lagu amray in ciidanka kasoo saaraan degmada Ceelbuur, kaddib markii ciidankii kale ee dowladda ka baxeen degmooyinka Galcad, Ceeldheer ,Bud-bud iyo Masagaway oo dhammaan katirsan Galgaduud.

Ciidamada oo dhibaato badan ka maray qabsashada Ceelbuur iyo degmooyinka kale ee gobolka Galgaduud ayaa si fudud oo dagaal laáan ah goobahaasi uga baxay, waxaana loo sababeenayaa khilaaf ka dhax jira taliska ciidanka iyo wasaarradda gaashaandhigga.

Ka bixitaanka ciidanka deegaannadii ay la wareegeen ayaa timid kaddib markii weerar xooggan oo Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowsweyne ay ku dileen askar badan oo katirsan milatariga Soomaaliya, sidoo kale ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha shacabka oo maalintii labaad ka dooday canshuurta Iibka

Caydiid Ali

Dowlada oo qaadeysa talaabooyin looga hortagayo dhaqan xumo kusoo korortay Muqdisho !

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen RW Khayre & Wasiirka Arrimaha dibeda ee Ruushka? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---