Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Hogaamiyihii Wagner, Prigozhin oo lagu aasay St. Petersburg

Madaxii calooshood u shaqeystayaasha Ruushka Yevgeny Prigozhin ayaa si gaar ah loogu aasay qabuuro ku yaalla duleedka magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka, lix maalmood ka dib markii uu ku dhintay shil diyaaradeed oo aan la ogeyn sababta keentay.

Sawirro lagu daabacay baraha bulshada ayaa muujinayay xabaasha madow ee Prigozhin oo ay ku hareereysan yihiin ubaxyo u badan kuwo cas, qabuuraha ayaa ku yaal cidhifka waqooyi bari ee magaaladiisa.

Qaab u muuqday qarsoodi ayaa loo sameeyey  Qabanqaabada aaska hoggaamiyihii calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo ku dhintay shil diyaaradeed 23-kii Agoosto, laba bilood ka dib markii uu sameeyay kacdoonkii ugu weynaa ee ka dhanka ah xukunka madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay 1999-kii.

Waxay ka dhigan tahay in dhacdadan aan loo rogi karin bandhig dadweyne oo ballaaran oo lagu taageerayo Prigozhin oo qaar ka mid ah dadka Ruushka ay u riyaaqeen sida uu dagaalyahanadiisa uga dagaalameen dagaalladii ugu xumaa ee Ukraine.

Kremlin-ka ayaa beeniyey wararka sheegaya in Putin uu amar ku bixiyay in la dilo isaga oo u aargudana kacdoonkii uu kala hor yimid, iyadoo Horaantii Talaadadii uu sheegay in madaxweynuhu uusan ka qeybgali doonin aaska.

Laba qof oo kale oo sarsare oo Wagner ah, afar ilaalo ah oo Prigozhin ah iyo saddex shaqaale ah ayaa sidoo kale dhintay markii diyaaradiisa Embraer Legacy 600 ay ku burburtay waqooyiga Moscow.

Ilaa hadda ma cadda waxa sababay burburka diyaaradda balse dadka tuulada ka agdhowaa ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay maqleen jug kadibna ay arkeen diyaarada oo dhulka ku dhacday.

Related posts

Farmaajo oo markii ugu horeysay sharaxaad ka bixiyey heshiiska dowladiisu la gashay Itoobiya (Daawo Video)

Caydiid Ali

Dowladii 3aad ee a tirsan Afrika oo shacabkeeda ka mamnuucday isticmaalka Shiishada

Caydiid Ali

Abaanduulle ka tirsan ciidanka XDS oo xabsiga la dhigay & Xog ku aadan sababta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---