Allbanaadir.com
NEWS

Xiliga la bilaabayo Maxkamadeynta Trump oo la shaaciyey

Garsoore federaal ah ayaa bisha Maarso ee sannadka dambe u muddeeyay in la qabto dhagaysiga dacwad ka dhan ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Dacwaddan ayaa ku saabsan eedo la xiriira in uu qorsheeyey inuu afgembiyo doorashada madaxtinimada ee looga adkaaday sanadkii 2020-kii.

Maxkamadeynta taariikhiga ah ayaa ka dhigan in ay dhaceyso xilli ololaha doorashada is-reebreebka xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa ah ay meel xasaasi ah mareyso.

Trump ayaa ah musharraxa ugu cadcad xisbiga Jamhuuriga doorashada dhaceysa 2024-ka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa maalmo ka hor laga siidaayay xabsiga Fulton County ee magaalada Atlanta, ku dhawaad 20 daqiiqo oo uu halkaas ku jiray, kadib markii lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriiran isku daygii uu ku doonayay in uu ku baabi’iyo guuldaradii dib u doorashadiisa 2020-ka ee doorashadii gobolka Georgia.

Waxa uu yimid xabsiga magaalada Atlanta, iyada oo halkaas looga qaaday sawirka laga qaado maxaabiista, kaas oo kaddibna la shaaciyay.

Trump ayaa la sii daayay iyada oo la sugayo dacwadda kadib markii uu dhigay lacag damaanad ah dhan $200,000 oo ay qareennadiisu horraantii toddobaadkan ay kala xaajoodeen xeer-ilaaliyaha degmada Fulton Fani Willis.

“Wixii halkan ka dhacay waa caddaalad darro, wax khalad ah ma sameyn, qof walbana waa ogyahay” ayuu yiri Trump.

Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka BFS ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, wuxuu shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka Qaranka

Related posts

Sacuudiga & dalal kale oo shaaciyey iney beri kow tahay bisha Ramadaan

Caydiid Ali

Habeen kaliya casho ma ku iibsan laheyd keligaa $173 kun oo dollar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha XDS oo booqday Kulliyada tababarka ciidamada dalka Qatar (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---