Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qatar oo balan-qaad cusub u sameysay dowlada Soomaaliya (Sawirro)

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka Mahamuud Moallim Abdulle ayaa la kulmay safiirka Qatar u fadhiya Somalia Dr. Abdalla Bin Saalim Al- Nucaymi.

Guddoomiyaha SoDMA, ayaa kala hadlay safiirka sidii dowladda Qatar ay gacan wayn uga gaysa lahayd ka hortagga El-niinada laga cabsi qabo inay wax yeeleyso dalka iyo sidii loo xoojin lahaa mashaariicda stabilzationka ee laga sameynaayo degaannada xoreyntun ka socoto.

Safiirka ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Qatar, garab istaagga shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna ballan-qaaday in uu si dhaw ula shaqayn doono Hay’adda SoDMA ayna kordhin doonaan kaalmada ay siiyaan Somalia.

Guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin ayaa uga mahadcelshay safiirka iyo dowladda Qatar sida ay uga go’an tahay taageerada howlaha hay’adda, isagoo adkeeyay sida Soomaaliya ugu baahan tahay maalgalinta mashaariicda ka hortagga iyo soo kabashada si ay hoos ugu dhacdo saameynta taban ee Is-beddelka cimilada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye ciidan oo laga soo celiyey Kismaayo & Maamulka Jubbaland oo war ka soo saaray

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo magacaabay Wakiilka maamulkiisa u joogaya dalka Kenya

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo war ka soo saartay dagaalka ka socda Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---