Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Shacabka oo su’aalo weydiiyey Wasiir ku-xigeenka Difaaca (Sawirro)

Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka BFS ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah al-shabaab, wuxuu shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka Qaranka.

Guddiga ayaa mas’uuliyiinta wax ka weydiiyeen hawlgallada socda iyo diyaargarowga ciidanka.

Su’aalo weydiintan ayaa kusoo beegantay iyadoo ciidamada dawladda Soomaaliya ay dib uga soo gurteen qaar ka mid ah degaannada ay qabsadeen bilihii lasoo dhaafay.

Xoghayaha guddiga difaaca ee BFS Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo la hadlay saxaafadda ayaa marka hore ka warbixiyay kulan uu guddiga difaaca maanta la qaatay Wasiir kuxigeenka wasaaradda gaashaandhiga xildhibaan Cabdifataax Qaasim iyo taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka.

Kulanka ayuu sheegay inuu ku saabsanaa is xog waraysi , gaar ahaan xaaladda dalka, dedaallada Ciidanka xoogga dalka ku jiro,cirib tirka khawaarijta, guulaha la gaaray, goobaha la xoreeyay, caqabadaha jira.

Axmed Cabdi Kooshin oo aqrinayay baaq ay soo saareen guddiga difaaca ayaa sheegay in aan horumar la gaareyn, inaan barwaaqo la gaarayn inta bay yiraahdeen cadowgu dalka ku jiro, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loo tafa xayto cirib tirka khawaarijta.

Xildhibaan Kooshin oo ku hadlayay afka Xubnaha guddiga difaaca BFS ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada labada gole, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada qalabka sida hiil iyo hooba isla garab taagaan.

Xoghayaha guddiga difaaca ee BFS Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa sheegay in guddigu ay ka digayaan in la siyaasadeeyo dedaallada uu ciidanka xooggu ku jiro, lagana fogaado wixii dhiirri gelin u ah argagixisada uu gabbalkoodu dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo shaaciyay Xiliga iyo goobta ay kuwada hadlayaan Dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay amiirka cusub ee dalka Kuwait (Sawirro)

Caydiid Ali

Amiir ka tirsan dowlada Qadar oo la dhigay Xabsi ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---