Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal sare oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka DF (Sawirro)

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Galmudug ee ku sugan aagga Wisil gobolka Mudug, waxaa maanta isku soo dhiibay sargaal sare oo katirsanaa dagaalyahannada kooxda Al Shabaab.

Sargaalkan isku soo dhiibay ciidanka dowlada oo lagu magacaabo Nuur Cabullaahi Maalinguur (AK Nuur Deeq) ayaa ahaa taliyaha ugu sareeyay ciidanka Al Shabaab ee ku sugnaa gobolka Mudug.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab uu hoggaamiyay dagaalladii ugu cuslaa ee Al Shabaab iyo ciidanka huwanta ah ku dhax mara gobolka Mudug.

”Nuur Cabullaahi Maalinguur AK Nuur Deeq wuxuu ahaa taliyaha maleeshiyaadka Khawaarijta ee gobolka Mudug, wuxuuna ahaa hogaamiyihii dagaaladii ugu cuslaa ay ka geysteen Khawaarijtu gobolkan, waxaa intaas dheeraa inuu ganacsatada, odoyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan gobolka Mudug nin soo waca u hanjaba mararka qaarna wuxuu dadka ugu yeeri jirey Xarardheere” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sargaalkan sare ee kasoo goostay kooxda Al Shabaab ayaa waxaa soo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, saraakiil katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo ku sugan aaga degmada Wasil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madasha uu Hogaamiyo Sheekh Shariif oo Warqad furan u dirtay Abiy Axmed (Akhriso)

Cabdi Cade

Siciid Deni oo cafis u fidiyay xubno lagu eedeeyay in Daacish katirsan yihiin

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo xilal u magacaabay Taliye ciidan & Masuuliyiin kale (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---