Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Bandhigga qaab dhismeedka iyo isku duwida deeqaha Caalamka oo Muqdisho ka furmay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay shirka bandhigga qaab-dhismeedka wadashaqeynta iyo isku duwidda deeqaha uu caalamku ku taageero Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in Xukuumadda #DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso sidii barnaamijyada gargaarka ee lagu taageerayo Soomaaliya loogu beddeli lahaa barnaamijyo horumarineed oo wax ka taraya nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay dalka hannaanka wadashaqeyneed ee hagaya deeqaha ay Soomaaliya ka hesho caalamka, si loogu qorsheeyo meelaha ku haboon ee u baahan in wax looga qabto.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dib-u-habaynta iskaashiga deeqaha Soomaaliya iyo daah-furka xafiiska nidaaminta gargaarka.

Related posts

Madaxweyne Macron oo ka Qoomameeyay Hadal uu ka sheegay dal Afrikan ah !

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay qaar ka mid ah dhalinyarada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Tirada Dadka Shiinaha oo la shaaciyay iyo Dowlada oo ka walaacsan kororka dadka oo yaraaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---