Hoggaamiyaha ugu sareeya milatariga dalka Sudan Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan iyo wafdi la socda ayaa safarkii ugu horeeyay uga baxay dalkaasi, tan iyo markii uu qarxay dagaalka sukeeye ee u dhaxeeya milatariga iyo ciidamada kale ee RSF.
Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan ayaa wararku sheegayaan in uu u safray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, waxa uuna halkaasi kula kulmi doonaa madaxweynaha dalka Masar  C/fataax al-Sisi.
Labada hoggaamiye ayaa kawada hadli doona xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo xaalada colaadeed ee ka taagan dalka Sudan, waxaana la filayaa in madaxweyne Al Sisi taageero u ballan-qaado hoggaamiyaha Sudan.
Waxaa sidoo kale la filayaa in waddamo kale oo carbeed uu safar ku tago hoggaamiyaha dalka Sudan, waxaana dalalkaasi uu ka raadinayaa taageero milatari iyo mid dhaqaale, maadaama dowladda saameyn badan ku yeeshay dagaalka qarxay.
Xaalada dalka Sudan ayaa bilihii ugu dambeeyay xasillooni laga dareemayay, waxaana wali laga heshiin dagaalka sukeeye ee u dhaxeeya labada ciidan ee dalkaasi ugu xoogga badan ee milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com