Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayay oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laascaanood

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo wafdi la socda ayaa goordhaw gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Axmed Karaash oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno katirsan maamulka Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay duleedka iyo gudaha magaalada Laascaanood.

Wafdiga Axmed Karaash horkacayay ayaa loo galbiyay goob gaar ah oo loo qorsheeyay , waxaana la filaa in halkaasi kula kulmaan madaxda maamulka Khaatumo iyo Garaadada dhaqanka.

Safarka Axmed Karaash ku tagay magaalada Laascaanood ayaa imaanaya xilli maalmo kahor maamulka Somaliland laga saaray duleedka Laascaanood , gaar ahaan xerada ciidamada ee Goojacadde oo farriisin u aheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka booliiska oo bad baadiyay nolosha labo wiil oo halis ku jiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Weriyeyaal dhimasho & dhaawac ku noqday qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---