Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo ka baaqday safar uu ku tegi lahaa degmada Ceeldheer (Sababta)

Col. Mukhtaar Xasan Tifow (Shaah-macabe) oo ahaa Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waysan yahay kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud.

Weerarkan oo geystay khasaare xooggan ayaa waxaa ku naf waayey ciidamo fara badan oo ka tirsan xoogga dalka, halka qaar kalena la weysan yahay nolol iyo geeri.

Arrintan ayaa baajisay booqasho maanta la filayey in Madaxweyne Xassan Shiikh ku tago degaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka dib markii ay gadoodeen ciidankii halkaas ku sugnaa ee sugi lahaa amaankiisa.

Markii uu baaqday safarka Madaxweynaha ayaa waxaa Ceeldheer loo diray Taliyaha NISA Mahad Salaad iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Col. Shuute oo Muqdisho ka yimid kuna sugnaa Dhuusamareeb hase ahaatee dayuuradii ay la socdeen ayaa u soo jiheysatay Muqdisho ka dib markii lo sheegay in ciidankii ku sugnaa Ceeldheer ay gadoodsan yihiin kana baxeen magaalada.

Ciidanka ayaa la sheegay iney ka xumaadeen sida looga gaabiyey in meel lagu sheego nolol iyo Geeri taliye Shaah-macabbe.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY Hassan Abdulle Alasow OO SAAXIIB LA AH COL. SHAAH-MACABBE

Taliye SHAAH MA CABE!

Booqashada furimaha hore ee difaaca ciidamada ee wasiirka gaashaan-dhigga, taliyaha Nisa Mahad Salaad, Shuute, Qoorqoor iyo xitaa tan madaxweynuhu maxay qiimo ku fadhidaa, haddii aan nolol iyo geeri lagu heyn taliyihii Guutada 25-aad ee CXDS oo 2500 iyo taliskooda hoggaan u ahaa.

Taliye SHAAH MA CABE waxa lagu waayay dagaalkii Cowsweyne ee maalintii sabtida dhacay, ilaa saacaddaanna nolol iyo geeri midna laguma haayo. Waxa uu ahaa taliyaha kaliya ee la hubo inuunan laaluush qaadan-jirin, balwad aan laheyn nuucii ay doontaba ha ahaatee, sidoo kalena ahaa sarkaal wadaad ah oo Eebbe ka cabsi badan.

Aniga waxa uu ii ahaa saaxiib gaar ah, maalinkii la waayay ilaa maanta aan joogo, ma deggana xaalkeygu run ahaantii. Hal-xiraalaha Xasan iyo tiimkiisa ku horgudban ayeyna ka mid tahay.

Dooni meyno booqasho ee waxaan doonaynaa badbaado, nolol iyo geeri mid lagu keeno taliyihii guutada 25-aad iyo askarta kale ee weli la la’yahay, kuwii shahiidayna ay meydkooda mujrimiintu ku kor baraanburayaan waa in laga gaaraa inta aysan karsan.

Askarta dhimatay meydkooda in la soo badbaadiyo ayaa askar kale u dhimataa, taas oo ah: “Mid lagu dhisayo moraalka kuwa nool”. Nolol iyo geeri mid lagu qanco keena, intaan ka badan idin kama aamusnaan karno e.

Dagaalku waa xaq, debacsaniduse waa agnaan-nimo ee booqashada ha la beddelo.

 

 

Related posts

(Sawirro) Dad badan oo ku dhintay rasaas lagu furay dad dhigayey dibed cabasho ah

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay New York iyo Ninkii ka dambeeyay oo la qabtay (Daawo Sawirada)

admin

Mareykanka oo shaaciyay cida bixisay amarkii lagu dilay weriye Jamal Khaashuqji

Cabdi Cade
Taboola Ads ---