Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

SSC oo digniin culus u dirtay Maamulka Somaliland (War-Saxaafadeed)

WAR-SAXAAFADEED

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu u sheegayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed in dadka SSC soo gabagabeeyeen duullaankii Somaliland ee dulmiga ahaa iyaga oo difaacay sharaftooda iyo madax bannaanida Soomaaliya. Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu ku hawlan yahay xasllinta deegaanka si ay uga saaraan ciidamada magaalada Laascaanood, dib u dejinna u sameeyaan dadkii barakacay iyaga oo u fidinaya gargaar bulsho.

SSC-Khaatumo waxa ay xaqiijineysaa in maxaabiista la daryeeli doono, xuquuqdoodana la sugayo iyada oo la qadarinayo shareecada Islaamka, dhaqanka Soomaalida iyo xeerarka caalamiga ah. Maxaabiista deegaankan ku galay dambiyada dagaal waxaa hadda gacanta ku haya laamaha ammaanka iyo hay’adaha cadaalladda waxaana la soo taagi doonaa maxkamad. Taangiyada, madaafiicda iyo hubka kale ee waa weyn ee uu Maamulka SSC-Khaatumo ka qabsaday Somaliland 25kii bsihii Agoosto 2023 Maamulka SSC-Khaatumo ayaa dhawaan kala wareegi doona ciidamada difaaca ee SSC-Khaatumo, waana la soo bandhigi doonaa.

Maamulka SSC-Khaatumo kuma duuli doono taako ka mid ah dhulka ay leeyihiin qabaa’ilada dariska ah, umana gudbi doonno gudaha Somaliland. Waxaan rejeyneynaa in aan iska kaashanno ganacsiga, nabadgalyada iyo arrimaha kale ee naga dhexeeya si nabad loogu wada noolaado. Hase ahaatee, waxaan ka digeynaa hub uruursiga uu ku fooggan yahay Maamulka Somaliland, umana dulqaadan doonno weerarro nooga yimaadda Maamulka Somaliland.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Related posts

Dil caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Taliska Ciidanka asluubta oo War cusub ka soo saaray Khasaaraha weerarkii xabsiga dhexe

Caydiid Ali

Sanbaloolshe oo eedeyn yaab leh u jeediyey saaxiibadiis Shiikh Shariif & Xasan Shiikh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---