Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Taiwan oo dhaqaale ugu deeqday Somaliland ka dib jabkii Laascaanod

Taiwan ayaa maamulka Somaliland ugu deeqday dhaqaale malaayiin dollar gaaraya oo maanta lagu gudoomay magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland  Dr. Sacad Cali Shire ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Taiwan u fadhiya Somaliland.

Wasiirka ayaa ka gudoomay safiirka kaalmo lacageed oo dhan 2 milyan oo dollar,

“Deeqdan ayaa Taiwan ugu talo gashay inay inagaga taageerto horumarinta dhinacyada kaabayaasha nolosha sida; caafimaadka, biyaha iyo arimaha kale ee la hal-maala” ayuu yiri Wasiir Sacad Cali Shire.

Deeqdan ayaa ku soo beegantay xili Somaliland ay ku dadaaleyso iney ka soo kabato jab xoogan oo ciidankeeda ka soo gaaray dagaal maalmo ka hor dhexmaray xoogaga SSC, kaasoo looga soo saaray guud ahaan gobolka Sool.

Somaliland iyo Taiwan oo labaduba ah maammulo gooni u goosad ah ayaan helin aqoonsi caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Taliye Indha-qarshe oo fariin dhab ka hadal ah u diray kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali

Somaliland iyo Eritrea oo laga reebay shirka Mareykanka iyo Madaxda Afrika

Caydiid Ali

Amiir Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah oo geeriyooday iyo madax ka tacsiyeesay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---