Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shinni Sabab u noqotay in uu baaqdo Duulimaad Diyaaradeed !! (Daawo Sawirada)

Raxan Shinni ah ayaa sabab u noqday in uu baaqdo duulimaad diyaaradeed, kadib markii shinnidan ku aruureen matoorka Diyaarada xili ay isku diyaarineysay in garoonka ka duusho.

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Mango ayaa ku qasbanaatay in ay joojiso duulimaad kadib markii raxan Shinni ah ku aruureen matoorka, waxa ayna arintan sababtay in si deg deg ah loogu yeero khubaro ku takhasusutay dhaqida shinnida.

Khuburada ku xeel dheer la macaamiilka Shinnida ayaa markii ay tageen garoonka  diyaaradaha Caalamiga ee King Shaka, ayaa Matoorka diyaarada waxa ay kasoo saareeen shinni tiradeeda lagu qiyaasay 20,000 .

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradda Mango oo la yirahdo Sergio dos Santos, ayaa wuxuu sheegay raxanta shinnida iney matoorka ku soo degtay 25 daqiiqo gudahood waxayna hakisay seddex diyaaradood oo rakaab ah oo ka kici lahaa garoonka King Shaka.

Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay mid dhif iyo naadir ah, waxa ayna khuburada Shinada ku xeel dheer sheegeen in sababta Shinida ugu aruureen matoorka diyaarada in ay tahay nasiino ay doonayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariye Caan ahaa oo isku bedelay Darbi jiif xaaladu xumeesay oo codsi soo diray

Cabdi Cade

Dhaawac lama filaan ah oo gaaray Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka

Caydiid Ali

Zidane oo si lama filaan ah uga Tagay shaqadii Real Madrid (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---