Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo Geel badan ugu deeqay Ciidanka Xoogga qeybta 21-aad (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka BanaadirYuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta  taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay toban halaad oo Geel, ah oo loogu talagalay ciidamada geesiyaasha qaranka ee ku sugan furinta dagaalka.

Munaasabadan ciidanka xoogga dalka lagula wareejiyay geela uu ku deeqay duqa magaalada Muqdisho ayaa ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, gaar ahaan saldhigga ciidanka xoogga qeybta 21-aad.

Goobta uu duqa Muqdisho Mudane Madaale ku wareejinayay tobanka Halaad ee Geel-ka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa  wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Taliyaha qeybta booliiska, guddoomiyaha gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in had iyo jeer uu garab taagan yahay ciidamada qalabka ee ku howlan ciribtirka kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo la kulmay qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo beesha caalamka ka dalbaday arrin xad gudub ku ah DF

Caydiid Ali

Antonio Guterres: “Ma ogolaan karno in waxa Gaza ka socda ay sii socdaan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---