Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Carbeed oo shaqada laga joojiyay lana baarayo kaddib markii ay la kulantay Eli Cohen

Ra’iisul wasaaraha dalka Liibiya, Abdul Hamid Dbeibah ayaa si deg deg ah xilka uga qaaday wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaasi Najla al-Mangoush , kaddib markii kulan qarsoodi ah la qaadatay wasiirka arrimaha dibadda Israíl fasax laáan.

Najla al-Mangoush ayaa kulan kula qaadatay magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga isbuucii hore wasiirka arrimaha dibadda Israíl Eli Cohen, waxa ayna labada wasiir kulankooda uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo labada dhinac khuseeya.

Maamulka Israaíl ayaa shaaca ka qaaday kulanka labada wasiir ku dhax maray magaalada Roma, waxaana kulankaasi ka dhashay dhaleeceyn xooggan maadaama labadan dal aysan laheyn wax xiriir diblumaasiyadeed ah.

Qoraal ka soo baxay Israel oo lagu shaaciyay  in labada wasiir ay ka wadahadleen iskaashiga suurtagalka ah, oo ay ku jiraan gargaarka Israil ee arrimaha bini’aadantinimada, beeraha iyo maamulka biyaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Isra’iil Eli Cohen ayaa sidoo kale sheegay in uu ku adkeeyay dhiggiisa Liibiya Najla al-Mangoush muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhaxalka Yahuudda ee dalkeeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Libiya Najla al-Mangoush oo hadashay kulanka ay la qaadatay dhigeeda Israíl ayaa sheegtay in ay ahayd fursad iyo kulan aan rasmi ahayn intii lagu guda jiray wada hadal ay la yeelatay wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga.

Najla al-Mangoush ayaa la kulantay dhaleeceyn xooggan oo kaga imaaneysa siyaasiyiinta iyo bulshada Liibiya, waxaana haweeneydan lagu eedeeyay qiyaano Qaran, waxaana hadda ku socda baaritaano iyo suáalo laga weediinayo kulanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Cali Jeyte: “Wejiga labaad ee howlgalka sifeynta Al-shabaab waa bilowday” (Sawirro)

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: “Ma jirto illaa hadda deyn Somalia laga cafiyey oo la ogyahay”

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay Guddiga farsamo ee hanaanka doorashada dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---