Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad la qabtay iyada oo wada Malaayiin Dollar , Dahab iyo hub oo la layahay cid sheegata

Garoonka diyaaradaha magaalada Lusaka ee dalka Zambia isbuucyo kahor waxaa lagu qabtay diyaarad wada lacag malaayiin dollar oo caddaan ah, dahab tiro badan iyo hub, waxaa sidoo kale la qabtay dadkii la socday diyaarada.

Diyaarada lagu qabtay magaalada Lusaka ayaa la sheegay in ay ka duushay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, waxaana wali baaritaano ku socdaan diyaaradan iyo sidoo kale dadkii la socday ay ciidamada xireen.

Laamaha dambi baarista dalka Zambia ayaa sheegay in diyaarada lagu qabtay lacag ka badan $5m (£4m) oo caddaan ah, dahab been abuur ah, qori iyo rasaas, waxaana wali laheyn cid sheegata in ay leedahay lacagtaasi iyo dahabka la qabtay.

Qaar kamid ah dadkii loo xiray in diyaaradan arrinteeda ku lug leeyihiin oo u dhashay dalka Zambia ayaa maxkamad la saaray laguna riday xukun , halka wali lix qof oo Masaari ah iyo dad kale oo u dhashay Zambia maanta maxkamad lasoo taagayo.

Baaritaanno lagu ogaanayo cidda diyaarada soo dirtay iyo cidda ay ku socotay ayaa wali ka socda dalka Zambia, waxaana la tuhmayaa in saraakiil sar sare ku lug leeyihiin kiiskan, kuwaa oon wali la ogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Bilowga Mashaariicda JPLG-da ee Sannadka Cusub oo Maanta La Kala Saxeexday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal saakay dhax maray Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland

Cabdi Cade

Dhalinyaro careysan oo dibed-baxyo ka dhigay magaalooyin ka tirsan Shiinaha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---