Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq u diray Odayaasha iyo Dhallinyarada Al Shabaab katirsan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo xirayay shirka golaha Wadatashiga Qaran ee kusoo dhammaaday Dhuusomareeb ayaa baaq ugu diray odayaasha iyo dhallinyarada Al Shabaab katirsan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ay joogaan xilli gabaabsi ah, waxa uuna ugu baaqay odayaasha iyo dhallinyarada ay qaldeen in ay kooxda isaga soo tagaan kana faaíideestaan cafiska dowladda u fidisay.

Madaxweynaha oo si gaar ah ula hadlay odayaasha Al Shabaab u dagaallameysa ayaa sheegay in aan la joogin xilli ay dagaallamaan oo qoray qaadaan, waxa uuna ku booriyay in dagaalka iska dhaafaan oo joogaan cimri loogana baahan yahay cibaado iyo nasiino.

”Qaatumo ayaad joogtiin markan ka bacdi, caafimaad darro ayaa qaarkiin qabaan ,waxaad u baahan tihiin in aad nasataan , waxaad u baahan tihiin cimrigiina inta idinkaga hartay in aad cibaadeysataan, waxaa la idinka rabaa in aad ilaahey u towbad keentaan oo dadkiina cafis weydiisataan , duurka haku rafaadina oo haku dhimanina, wiilal badan waxa ay u dhimanayaan oday waayeel ah oon ordi karin oo wiilasha meesha ku hayo, wiilasha waxaan leeyahay xiska ha idiin soo noqdo” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan cafis u fidisay dhallinyarada u dagaallanta kooxda Al Shabaab, waxaana aad u yar dhallinyarada codsigaasi ka faaíideysata ee kasoo baxda kooxda Al Shabaab iskuna soo dhiibta dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.co

Related posts

Imaaraadka oo Wakiil usoo magacawday Somaliland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Weerar lagu qaaday Masaajid oo dad badan lagu dilay kuwana lagu afduubtay 

Cabdi Cade

Rabshado ka dhashay dilka Fanaan caan ah oo ka socda Adis Ababa iyo Internetka oo la jaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---