Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo dhaliilay sida uu ku socdo dagaalka Al Shabaab looga saarayo Galmudug

Dowladda Soomaaliya ayaa deegaannada maamulka Galmudug ka bilowday wajiga labaad howlgal la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada iyo degmooyinka ay wali ka joogaan Galmudug.

Dagaalka uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo farriisin ka dhigtay magaalada Dhuusomareeb ayaan laga gaarin guulo badan, marka laga reebo in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka la wareegeen Ceelbuur.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Dhuusomareeb kaga qeyb galay shirka Wadatashiga ayaa dhaliilay qaabka uu ku socdo howlgalka Al Shabaab looga saarayo Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay howlgalka ka socda Galmudug in uu ku bilowday gaabis ,waxa uuna xusay sida howlgalka u socdo iyo sida looga hadlayo ay yihiin kuwa aan isku dhigmin oo kala duwan.

Waxa uu sheegay madaxweynaha Jubbaland in dagaalka looga saarayo Al Shabaab deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan Galmudug uusan fileyn in ay qaadan doonto muddada badan uu hadda socdo.

Howlgalka ka bilowday Galmudug ayaan wali ciidanka huwanta ah ka gaarin guulo waa weyn marka laga reebo in ay la wareegeen Ceelbuur, waxa ayna ciidanka hadda bilaabeen in ay kasoo baxaan deegaanno horey Al Shabaab uga saareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Maxkamad ka hor qirtay inuu kufsaday ka dibna dilay qiyaastii boqol caruur ah

Caydiid Ali

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo gudaha u galay Kenya & digniino laga bixiyey

Caydiid Ali

Xassan Shiikh iyo wafdigii uu horkacayey oo ka degay Asmara (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---