Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in ciidanka dowladda iyo kuwa Deegaanka ka baxeen degmada Ceeldheere ?

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar lagu baahiyay warar sheegayay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka isaga baxeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo wareysi bixiyay ayaa beeniyay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay isaga baxeen degmada Ceeldheer. waxa uuna sheegay xildhibaanka in degmada wali joogaan ciidanka warka la sheegayna uu been yahay.

Waxa uu sheegay xildhibaan Yaasiin Farey in isaga naftiisa uu hadda joogo qeybo kamid ah degmada Ceeldheer, waxa uuna cadeeyay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka aysan meelna uga socon Ceeldheer.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa deegaanka Cowsweyne ayaa maalintii Sabtida la kulmay weerar xooggan oo kaga yimid Al Shabaab, waxaana ciidanka oo weerarka kasoo gaaray khasaaro badan isaga baxeen Cowsweyne.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli lasoo sheegayo in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga baxeen deegaanno dhowr ah ay dhawwaan qabsadeen, kaddib weerarkii Al Shabaab ka geesteen deegaanka Cowsweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag heestay Malaayiin Dollar oo been abuur ah oo lagu qabtay Nairobi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaafiic caawa lagu weeraray garoonka Stadium Muqdisho oo galabta dib loo furay

Caydiid Ali

Laftagareen iyo Wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---