Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhuusamareeb oo la soo gebagebeeyey

Shirkii 7aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka oo muddo labo cisho ah ka socday magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa la soo gebagebeeyey, iyadoo laga soo saaray War Murtiyeed wadajir ah.

Waxaa Shirkaas gudoominayey Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, iyadoo ay ka qaybgaleen, Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale, waxaana ka maqnaa Madaxweynaha Puntland.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinsaday xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray al-shabaab iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

HOOS KA DAAWO WAR MUTIYEEDKA KA SOPO BAXAY SHIRKA

Related posts

Dowlada oo War kasoo saartay Shan Weerar oo ka dhacay Duleedka Janaale

Cabdi Cade

Shirkad Caalami ah oo Maanta ka shaqo bilawday Dekadda Muqdisho (Akhriso)

Cabdi Cade

AMISOM oo bogaadisay Dadkii shacabka ahaa ee ciidankooda ku laayeen Shalambood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---