Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Emmerson Mnangagwa oo mar kale loo doortay Madaxweyne & Muran ka taagan

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa mar labaad loo doortay xilka madaxtinimada isagoo helay 52.6% codadkii la dhiibtay, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Mucaaradka ayaa ku andacoonaya inay dhacday ku shubasho codadka oo baahsan waxaana goobjoogayaal caalami ah ay sheegeen in codbixintu ka hoos martay heerarka dimoqraadiyada.

Mr Mnangagwa waa madaxweynihii saddexaad ee Zimbabwe. Inqilaabkii 2017 ee ka dhanka ahaa hoggaamiyihii ruug caddaaga ahaa ee Robert Mugabe ayaa xilka loo dhiibay.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa soo jeediyay in qof kasta oo su’aal ka keenaya natiijadii doorashadii todobaadkii hore ay kiiskooda maxkamada u gudbiyaan.

Mnangagwa oo 80 jir ah ayaa ku guuleystey doorashada isagoo helay 52.6% codadkii la dhiibtay halka hogaamiyaha mucaaradka ee Isbaheysiga Citizens’s Coalition for Change (CCC) Nelson Chamisa uu helay 44%, sida uu sheegay guddiga doorashada

Chamisa ayaa sheegay Axadii inaysan aqbali doonin natiijada.

Wuxuu sheegay in mucaaradka ay soo dhisi doonaan dowladda cusub, isagoo aan faahfaahin ka bixin. Ma uusan ka jawaabin su’aalo la xiriira in xisbigiisa uu ka doodi doono natiijada maxkamada.

“Ma sugi doono shan sano. Waa in hadda isbedel yimaado,” Chamisa ayaa u sheegtay suxufiyiinta iyo masuuliyiinta xisbiga.

Laba kooxood oo goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in booliisku ay weerareen xarumahooda xogta ayna xireen shaqaale iyo mutadawiciin si aysan si madaxbanaan u xaqiijin natiijada.

Related posts

Hoggaamiye sare oo katirsanaa kooxda Daacish oo la dilay iyo Mareykanka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Wadahadallo la xariira Horumarinta iyo Amniga Gobolka oo Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade

Dalka ugu halista badan caalamka ee lagu dilo shaqaale gargaar oo la shaaciyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---