Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliban oo soo saartay amaro cusub oo ka dhan ah haweenka Afghanistan

Taliban ayaa haweenka ka mamnuucay inay booqdaan beerta qaranka ee Band-e-Amir ee ku taal bartamaha gobolka Bamiyan ee dalka Afghanistan.

Ku-simaha Wasiirka Wanaagga ee Afghanistan, Mohamad Khaled Xanafi, ayaa sheegay in haweenku aysan xijaabka ku ilaalin gudaha beerta.

Culumaa’udiinka iyo hay’adaha ammaanka ayuu ugu baaqay inay haweenka ka mamnuucaan inay soo galaan beerta inta xal laga gaarayo.

Band-e-Amir waa beer soo jiidasho leh oo dalxiiska ku fiican, waxayna noqotay beertii ugu horreysay ee Afgaanistan ​​​​2009.

Dhinaca kale, Taliban ayaa sidoo kale ka mamnuucday haweenka muxrim la’aanta ah in ay ka dhoofaan dalkaas.

Nataki waxay ka qalin jabisay dugsiga sare, waxayna isku diyaarineysay imtixaanka gelitaanka jaamacaddaha xilligii Afghanistan ay la wareegtay Taalibaan.

Waxay niyad jabtay markii xukuumadda Taliban ay kumannaan gabdhood ka mamnuucday waxbarashada sare. Taasi waa sababta ay isugu dayday waxbarasho dibadda ah. Toban bilood oo dadaal ah kaddib, waxa ay heshay deeq waxbarasho oo dibadda ah, waana ay ku guuleysatay in la aqbalo.

Jaamacadda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in 100 gabdhood oo reer Afghanistan ah ay u fidiyeen deeq Waxbarasho.

Nataki ayaa arbacadii ka dhoofi lahayd garoonka diyaaraddaha ee Kabul iyada iyo ilaa 60 gabdhood oo kale, balse looma ogolaanin in ay raacdo diyaaradda.

Nataki ayaa tiri, “Markii ay Taliban xireen jaamacaddaha, rajada kaliya ee aan qabay waxay ahayd deeqdan waxbarasho, waxay ahayd waxbarasho aan ku guuleysan karo riyadeyda sare, aniga iyo qoyskayga dhammaan waan ku faraxsaneyn.”

Laakin farxadda Nataki iyo qoyskeeda waxay kusoo idlaatay garoonka diyaaraddaha ee Kabul. Nataki waxa ay sheegtay in saraakiisha Taalibaan ee halkaas ku sugan ay u sheegeen in aysan u safri karin meel ka baxsan Afgaanistaan “muxram la’aan”.

 

Related posts

Koox gacan saar la leh Daacish oo lagu eedeeyey iney dileen 36 qof oo shacab ah

Caydiid Ali

Booliiska oo War kasoo saaray khsaraaha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Maraykanka oo joojiyey shaacinta Khasaaraha Weerarada ay ka fuliyaan Somalia (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---