Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka DF oo su’aalo xasaasi ah weydiiyey wasiiro ka tirsan Xukuumada Xamse

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga.

Kulankan ayaa ahaa mid Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha loogu yeeray Kulan shaqo taariikhdu markay ahayd Agoosto 20, 2023 ujeedkiisuna ahaa: (1) Warbixin Guud ee Wasaaradda oo dhammeystiran; (2) Warbixin Mashaariicda dalka ka socda kuwa Miisaaniyadda ku jira iyo kuwa aan ku jirin; (3) Warbixin Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka.

Wasiirka iyo howlwadeennadii la socday oo kala ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda; Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka; Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha; Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta iyo Xalka Waara; Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Qorsheynta; Madaxa Mashruucda Barwaaqo; iyo Madaxa Mashruuca SCRP. ayaa mid mid uga warbixiyey shaqooyinka ay Qaran u haayaan.

Ugu dambeyntii; Guddoomiyaha Guddiga Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa soo xiray Kulanka, ayadoo loo ballamay in Wasaaradda loogu yeeri doono kulan kale oo shaqo iyo Su’aalo weydiin.

Dhinaca kale, Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta yeeshay, kulankoodii caadiga ahaa oo ay shir-guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Nadra Saalax Cabdi oo ay wehlinayeen, Guddoomiye Ku-xigeenka Xil. Maxamed Cusmaan Cumar (Naastaro) iyo Xoghayaha Xil.Maxamed Cabdoraxmaan Naddiif.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa diyaarinta warbixinta Akhrinta 3aad ee  Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka  Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Ugu horeeyn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yusuf Mohamed Adan oo goobjoog ahaa faahfaahin ka bixiyay qodobo kamid ah hindisahan oo ay xildhibaanada dood ka keeneen akhrintii 2aad asigoona dul-istaagay dhammaan qodobadaas sharaxaad dheerna ka bixiyay.

Intaa kadib, waxaa lagudagalay, diyaarinta warbixinta akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedkan, waxaana qodob qodob loo akhriyay, dhammaan Cutubyada uu ka kooban yahay Hindise-sharciyeedka.

Xildhibaanada Guddiga, ayaa dood dheer iyo ka yeeshay, wax-ka-bedel  qodobada qaar, ayagoona doodii Xildhinaanada ee akhrinta 2aad ay ka yeesheen talooyin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaana ay ku soo biiriyeen si waafaqsan Dastuurka KMG iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xil. Nadra ayaa sheegtay inuu hindisahan muhiimad weyn u uleeyahay Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, ayna lagama maar-maan tahay, dardargelintiisa iyo ansixintiisaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulamo xasaasi ah oo caawa ka kala socda hoyga Guddoomiye Mursal & Villa Somalia

Caydiid Ali

Maamulka Somaliland oo labo shardi oo adag ku xirtay wadahadalada Soomaaliya  

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Adis Ababa kula kulmay António Guterres

Cabdi Cade