Allbanaadir.com
NEWS

UK oo baaq u dirtay Muuse Biixi kaddib guuldaradii Somaliland kasoo gaartay Laascaanood

Maamulka Somaliland ayaa guul-darro xooggan kasoo gaaray weerar subaxnimadii Jimcaha ciidamada maamulka Khaatumo iyo kuwa deegaanka ku qaadeen xeradii ciidamada Somaliland ku lahaayeen duleedka Laascaanood ee Goojacadde.

Weerarkaasi ayaa Somaliland looga qabsaday xeradii ugu weyneyd ay kaga sugnaayeen gobolka Sool, waxaa sdoo kale Somaliland laga qabsaday hub aad u tiro badan iyo maxaabiis ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ku sheegay in uu wadahadal la yeeshay madaxweyne Biixi, waxa uuna xusay in uu ugu baaqay madaxweynaha in uu raadiyo xal aan dagaal aheyn.

Mike Nithavrianakis ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu dhawro sharuucda caalamiga ah, isla markaana ku dhawaaqo xabad joonin shuruud la’aan iyo wadahadal xal u noqon kara dagaalka.

” Waxaan la hadlay Madaxweyne Muuse Biixi, si Dowlada UK ay walaac xoogan uga muujiyaan xaalada ka sii daraysa ee Laascaanood. UK waxay ku boorinaysaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, oo ay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, ayna xaqiijiyaan in gargaar bini’aadantinimo oo aan caqabad lahayn la gaadhsiiyo kuwa u baahan. Xabbad joojin iyo wadahadal ayaa muhiim ah.” ayuu yiri Safiirka.

Baaqa ay dowladda UK u dirtay madaxweynaha Somaliland ayaa imaanaya xilli uu Muuse Biixi wado abaabul dagaal uu doonayo in mar kale guluf colaadeed ku qaado magaalada Laascaanood, oo lagu dagaallamayay muddo gaareysa 7 bilood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abuu Mansuur oo dhagaha ka fureestay Amarkii Dowlada iyo Munaasabad lagu taageerayo oo…

Cabdi Cade

Qorshe lagu xoojinayo amniga xarumaha degmooyinka oo ka bilowday Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Sagootin ah la qaatay James Swan (sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---