Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday wasiiru sowlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Hirshabeelle Mudane Sharmaarke Xasan Ganey.
Wareegto uu soo saaray madaxweyne Guudlaawe ayuu ku sheegay in wasiirka uga eryay shaqada xil gudasho la’aan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in labada masuul muddooyinkii u dambeeyay khilaaf u dhaxeeyay.