Weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ayaa shalay subax lagu qaaday saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku lahaayeen deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhawwaan Al Shabaab laga saaray.
Sida aan xogta ku helnay weerarka Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowsweyne waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ay sidoo kale Al Shabaab qabsadeen askar nool iyo gaadiid dagaal.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray eheladii ay ka baxeen ciidankii ku geeriyooday weerarka, waxa uuna caafimaad u rajeeyay askarta weerarka ku dhaawacantay.
Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo qaabkii loo mareeyay iyo sida uu u dhacay weerarka Cowsweyne, waxa uu si gaar ah ugu baaqay guddiga difaaca ee baarlamaanka in si gaar ah weerarkaasi baaris ugu sameeyaan.
”Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif.
Weerarkii shalay Al Shabaab ku qaadeen deegaanka cowsweyne ayaa noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee muddooyinkan dambe la kulmaan ciidanka dowladda, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli uu socdo wajiga labaad ee howlgalka xureynta Galmudug.