Allbanaadir.com
NEWS

Maareeyihii garoonka Jomo Kenyatta oo Shaqada laga eryay kaddib koronto…

Maareeyihii garoonka diyaaradaha  Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi ayaa shaqada laga joojiyay, kaddib markii saacado ka maqneyd korontada garoonka, taa oo keentay in dad badan ku xayirmaan garoonka.

Wasiirka gaadiidka dalka Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa shaqada ka joojiyay maareeyaha garoonka Alex Gitari, waxa uuna wasiirka raaligelin ka bixiyay caqabadihii ka dhashay koronto la’aanta.

Waxa uu sheegay wasiirka gaadiidka dalka Kenya in faragelinta siyaasadeed ay keentay in shaqada garoonka laga niyad jabo, isla markaana habacsanaan ay dhacdo, taa uu tilmaamay in ay saameesay shaqadii garoonka.

Dalka Kenya ayaa la sheegay in koronto la’aan baahsan ay soo wajahday, waxa ayna koronto la’aanta saameysay shaqooyin badan ay ku jiraan garoomada iyo isbitaalada, mana sharxin shirkadda kotrontada waxa keenay in koronto la’aan dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo Guddoomiye gobol u magacaabay Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdulle

Cabdi Cade

Guddoomiyeyaashii hore ee labada Aqal ee BF oo mar kale is sharxay isna diiwaangeliyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---