Nin hubeysan ayaa toogasho isir naceyb ku saleysan ka geestay magaalada Jacksonville ee gobolka Folorida , waxaana toogashadan si kulul u cambaareeyay madaxda dowladda Mareykanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Booliiska ayaa sheegay nin dhallinyaro cadaan ah uu weeraray bakhaar lagu magacaabo dollar, waxa uuna rasaas ku furay dadkii bakhaarkaasi ku sugnaa, isagoo si gaar ah u beegsaday dadka madowga ah.
Inta la xaqiijiyay saddex qof oo madow ah ayuu ninkan hubeysan toogasho ku dilay, waxaana ninkan cunsuriga ah markii uu dilka geestay kaddib la sheegay in isaga isla goobta isku dilay.
Duqa magaalada Jacksonville, Donna Deegan ayaa sheegtay in toogashada uu geestay nin cunsuri uu ka buuxay naceyb, waxa uuna tacsi u diray ehelada dadkii uu ninkaasi toogashada ku dilay.