Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Koronto la’aantii ugu xumeyd taariikhda oo ka taagan dalka Kenya

Guryo iyo meherado badan ayaa weli mugdi ah tan iyo fiidnimadii Jimcaha ka dib markii ay go’day korontadii magaalada Nairobio iyo qeybo kale oo ka tirsan dalka Kenya, waxaana ka dhashay saameyn adag.

Wasiirka gaadiidka Kenya ayaa raaligelin ka bixiyay kadib markii dalka oo dhan ay korontada ka go’day.

Arrintan ayaa keentay in rakaabkii diyaaradaha ee garoonka weyn ee Jomo Kenyatta ay ku xayirmeen mugdiga garoonka oo kuyaalla Nairobi.

Baraha bulshada ayaa dadku waxa ay isku weydiinayaan sababta uu madaarka weyn ee u laheyn nidaamka matooro shaqeynaya xiliga ay korontada baxdo waxayna aad u dhaliilsan yihiin Wasaaradda tamarta.

Nairobi iyo guud ahaan Kenya in si kooban loo waayo koronto waa wax si caadi ah loo arko, balse in muddo intaas le’eg uu dalka oo dhan koronto la’aan noqdo waa wax aan inta badan dhicin.

Dhinaca kale, Madaxii maamulka garoomada diyaaradaha ee dalka Kenya ayaa shaqada laga eryay kadib markii koronto la’aan ay keentay in dad rakaabka ah ay muddo saacado ah mugdi ku jiraan garoonka weyn ee JKIA magaalada Nairobi.

Shirkadda korontada ee ay dawladdu leedahay si dhab ah uma sharaxin waxa sababay koronto la’aanta.

 

Related posts

Isbadal ku yimid Biyaha Wabiga Shabelle ee mara Baladweyne iyo Sun looga shakiyay

Cabdi Cade

Sidee uu dhacay qaraxii caawa lagu dilay agaasime Cabdicasiis Afrika? (Xog cusub)

Caydiid Ali

Weerar qorsheesan oo lagu qaaday Guri uu ku dhuumanayay Maxamud Ezzat

Cabdi Cade
Taboola Ads ---