Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Golaha shacabka BFS? (Sawirro)

Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 21- aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajandaha kulanka oo ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, kaas oo muhiim u ah dhammaan shaqada howlwadeennada dowladda. Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka dooday akhrinta labaad, ayaa fadhiga Golaha ka jeediyay talooyin iyo muhiimada uu leeyahay sharcigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka maanta ayaa Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha shacabka faray in soo-jeedinta iyo talooyinka Xildhibaanada kusoo daraan isla-markaana kuso celiyaan Golaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Qaliin fudud ku galay UAE, ka dibna u ambabaxay..

Caydiid Ali

Dowlad weyn oo u dabaaldeg u sameysay iscasilaada Ra’isul Wasaare Boris Johnson

Caydiid Ali

Taalibaan oo gacanta ku dhigtay dad loo heesto Qaraxyadii ka dhacay Garoonka Kabul

Cabdi Cade
Taboola Ads ---