Ceel Buur Alahayow Ka Dhig Iftiinka Rajada Caasimadda Galmudug
Dadka ku nool degaanada Ceel Buur iyo Xarar Dheere waa dadka gobolada dhexe ugu maskaxda sareeya (IQ), waxeyna ka ilbaxnimo fog yihiin degaanada kale oo ka ag dhow, waxaana lagu qiyaasa in qarnigii 10aad ay ahaayeen deegaano dibeda u dhoofi jirey macdano ay ka mid yihiin (Magnisum Silicate, Quarry) oo wakhtigaas laga sameyn jirey sanamyada, kadibna loo warshadeeyey tubooyinka tubaakada lagu cabo, meesha dalka gudihiisana farshaxan ahaan laga sameyn jirey dabqaadyada iyo burjikooyinka, waxeyna qarnigii 12aad ilaa 13aad ay xaruun u ahayd boqortooyadii ujuuraanka oo ka dhigtay magaalada ugu weyn xaruunta ganacsiga saldanadooda.
Ceelbuur waxey qarnigii 19aad ahayd magaaalo madaxda Mudug, waxaana lagu diley gofernatoorihii Talyaaniga oo ahaa Cap. Franco Carolei 1926 oo dilkiisa lagu eedeeyey Cabdulle Cirrobe iyo Geelle Galaal oo ay shirqoolka dilka qorsheysan ay ku wehliyeen koox gumeysidiida, wuxuuna isla sanadkaas Talyaanigu uu ka qaaday degmonimada, isagoo u guurey kuna wareejiyey Dhusamareeb oo uu ka dhistay taliska ugu weynaa ciidankiisa ee uu ku qabsaday Itobiya 1935, waxaana taas u wehlisey dhagar loo geystey maqaamka Ceel Buur oo mar 2aad lagu gacan bidixeeyey kadib markii dowladdii kacaanka ay hakratay iyadoo ilaalineysa awood qeybsiga degmada Caabud Waaq, sidaasna uga dhigtay Dhusamareeb magaalo madaxda Gobolka Cusubaa ee Galgaduud.
1975 ayaa degmada Ceel Buur waxaa istratejiyad ahaan jecleystay Midowga Soviet, waxeyna kula taliyeen Soomaaliya in halkaas laga sameeyo saldhiga Ciidanka Xoogga Dalka(CXD) ugu weyn, waxeyna Ruushku markaas halkaas ay ka sameeyeen garoonka saldhiga cidamada circa oo qorshihiisu ahaa inuu noqdo midka ugu weyn dalka, nasiibdarase ay ku dhacday bilowgiisa kadib inuu xumaaday xiriirka labada dal kadib dagaalkii Soomaalida Galbeed aawgeed, waxeyna isku daygaaas guuldareystay ay magaalada Ceel Buur ka dhigtay iney dhumisay fursadii jiritaankeeda ugu qaalisaneyd oo meesha ka saartay hamigeedii sooyaalka ahaa oo ahaa iney mar uun dib u hanato maqaamkeedii taariikhiga ahaa oo dhacdooyinkii nasiibka darnaa ay sida isxigxigta u weeydaariyeen.
Ceel Buur waa degmada ay ka soo wada jeedeen geesiyaashii halyeeyada ahaa ee CXD, kuwaas oo kala ahaa Alifle Maxamed Cabdulle Xalane iyo Col. Cilmi Nuur Tareey oo labaduba lahaa bilado geesi, waxaana la sheegay in Boqorkii Itobiya Haile Selassie markii uu yimid Muqdisho 1971 inuu codsaday inuu la kulmo Col. Tareey, balse uu helay jawaaab ah inuu xiran yahay, islamarkaasna uu haddana codsaday boqorka Itobiya inuu ku soo booqdo xabsiga, waxaana boqorka laga soo weriyey inuu yiri Soomaaliyana geesiyaasheeda waxey ku abaal mariyaan iney ku dilaan xabsiyo, inaguna waxaan ku raadinaa diamond si aan xeeladaha caqliga dagaalka aqoon uga kororsano, wuxuuna hadalkiisii murtida reebay ku soo dhameeyey “Walee Soomaaliyey Itobiya marna uma heshid nin xeelad siyaasadeed ku gaari kara; Walee Itobiyay marna Soomaaliya uma heshid wiil xeelad geesinimo ku gaari kara.” Maanta waxaad arkeysaa in inta badan saraakiisha ciidanka, diblomaasiyiinta, xildhibaanada, wasiirada, madaxda maamul goboleedyada ay intooda xilalkaas soo martay ay badankood ka diiwaan gashanayeen Xabashida oo ay mushaar iyo taakuleyn kale ka qaadan jireen, dalka difaaciisiina uu ku soo haray wiil geesiya oo moog sida ay wax u jiraan.
Waxaa hamiga rajada shacabka Ceel Buur meel fog ka soo celiyey kadib markii march 26, 2012 ay koox diimeedka Ahlu Sunna Wal Jamaca(ASWJ) ay ka xoreeyeen koox diimeedka mitidka ah ee xagjiriinta Al Shabaab, waxaana rajadaas sii xoojisey kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamud uu si xooggan u garab istaagey dadaalada lagu xoreynayey degaanka Ceel Buur ilaa inta ay dib ula wareegeen kooxda Al Shabaab gacan ku haynta Ceel Buur February 2014 kadib marka khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay maamulka madaxweynaha iyo madaxda koox diimeedka ASWJ, waxaase August 25, 2023 Ceel Buur rajadeedii dib u soo nooleeyey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamud oo qabyadii xukunkiisa hore dhameystiray, Kana xoreeyey Ceel Buur Al shabaab.
Ceel Buur ma ka soo kabsan doontaa bahdilaadii ay qarniyaal fara badan ugu jjirtey maqaamkeedii ahaa iney dib u soo ceshato xaruunimada ganacsiga iyo magaalo madaxnimada maamulka gobolka Galgaduud ama kan Galmudug, waxeyse intaas bedelkeeda in ka badan ay ku hanan kartaa haddii loo doorto deegaankeeda iney noqoto xaruumaha saldhigyada ugu weyn CXD oo ay ka furan yihiin akadamiyadaha kala duwan ee ciidanka, waxeyna taas ay fursad u siineysaa Ceel Buur iney ku caanbaxdo hoyga lagu soo tababaro dagaalyahanka halyeeyada geesiyaasha Ciidanka Xooga Dalka, waxaana taas aad u bilaya istratejiyada ciidan ee degaanada Ceel Buur iney tahay dhul ka fog xuduuda Itobiya oo ay adag tahay iney si sahlan ku burburiso keydka iyo gurmadka ciidanka, sidaas si la midana aan laga soo weerari karin dhinaca badda.
Ceel Buur oo dib u soo ceshatay xoriyadeeda ayaa hadda u baahan in deegaankeeda lagu xoojiyo dowladnimada, saldhigyo waaweyna laga hirgeliyo si aysan suurtogal mar kale u noqon iney dib ugu noqoto gacan ka xaq daran oo magaceeda iyo maqaamkeeda disha, waxeyna Ceel Buur u baahan tahay helida xoriyadeeda kadib in lagu garab siiyo sidii ay u noqon lahayd magaalo madaxda Galmudug oo ay hooy ugu noqoto madaxbanaani meel fog gaarsiisa maamul dowladeedka ka jira gobolada dhexe horumar maskaxeed iyo mid maaliyadeed oo ka dhiga deegaanadaas kuwo dadka, dalka, iyo dowladda u noqda rajada iftiinka Soomaaliya oo ah dal mida. Ceel Buur Alahayow ka dhig iftiinka rajada Galmudug.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com