Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safiirka dalka Faransiiska u fadhiya NIGER oo 48 saacadood loo qabtay

Hogaamiyaasha afgambiga ee dalka Niger ayaa u qabtay safiirka Faransiiska  48 saacadood inuu kaga baxo dalkaasi.

Xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ayaa sii xumaanayo si xawli ah, tan iyo markii saraakiil ciidan ay la wareegeen talada dalkaas.

Hogaamiyaasha milatariga ayaa ku eedeeyey danjire Sylvain Itte inuu diiday inuu ka jawaabo martiqaad uu u fidiyay Wasiirka arrimaha dibadda Niger si uu ula kulmo.

Faransiiska, oo horey u ahaan jiray awoodda gumeysatay Niger, ayaa sheegay in “putschists aysan awood u lahayn” inay amraan cayrintaas.

Paris ayaa ka soo horjeeda afgambigii July, iyadoo sheegtay in madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohammed Bazoum ay qasab tahay in xafiiska lagu soo celiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre oo la sheegay in Shaqadiisa loo weeciyay Suuqa Forex

Cabdi Cade

Maqaamka iyo matelaada Muqdisho oo la raadinayo (Sawirro)

Cabdi Cade

179 Maxbuus oo laga sii daayey Xabsiga Muqdisho iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---