Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Dhuusomareeb iyo Qodobada looga hadlayo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.

Gabogabada shirka ayaa la filayaa in madaxda shirsan ay soo saaraan goáanno xasaasi ah ay ugu horeeyaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab , waxaana shirkan mar kale ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

ATMIS oo war kasoo saaray dad ay arxandarro u dileen askartooda

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo la kulmay Darawalada Gaadiidka BL-ka iyo Bajaajta (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Tiicey oo dacwad kusoo oogaya Dowlada Biljamka si uu Magdhaw uga helo

admin