Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Cowsweyne

Kooxda Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay ku qaaday fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin deegaanka Cowsweyne oo dhawwaan laga saaray.

Qaraxyada kaddib ayaa la sheegay in halkaasi ka bilowday dagaal culus oo labada dhinac u dhaxeeya, waxaana wali lasoo sheegayaa in deegaanka uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka huwanta ah iyo kuwa Al Shabaab.

War goordhaw lagu baahiyay warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay fashiliyeen weerar qaraxyo ku bilowday oo Al Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Cowsweyne.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidanka qaranka oo hayay xogta weerarka Al Shabaab in ay jilbaha u aasteen ayna fashiliyeen, waxa ayna intaa ku dareen in wali uu socdo dagaal labada dhinac u dhaxeeya.

Deegaanka Cowsweyne ayaa dhawwaan laga saaray kooxda Al Shabaab, waxaana deegaankan la wareegay ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ka baxay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble & wafdi uu horkacayey oo Muqdisho ku soo laabtay

Caydiid Ali

Axmed Jumca Alromaith oo lagu soo dhaweeyay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar (Sawirro)

Cabdi Cade

Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Galmudug, kana hadlay…

Caydiid Ali
Taboola Ads ---