Ciidanka booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ,gaar ahaan kuwa saldhigga degmada Yaqshiid ayaa gacanta kusoo dhigay nin burcad ah oo lagu eedeeyay in uu dhac u geestay gaari dadweyne.
Ninkan ciidamada booliiska soo qabteen ayaa lagu eedeeyay in gaari nuuciisu yahay caasi uu ka dhacay qofkii lahaa, waxaana xogta ninkan oo booliiska la gaarsiiyay ugu suurto gashay in si deg deg ah usoo qabtaan.
War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in gacanta ku hayaan ninkan burcadka ah ee dhaca u geestay gaariga, waxa ayna tilmaameen in baaris kaddib ninkan caddaaladda la horgeyn doono.
Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Muqdsisho ayaa xoojiyay ammaanka caasimadda, waxa ayna ciidamada marar badan gacanta ku dhigeen kooxo burcad ah oo dadka dhac iyo dhibaatooyinka kalaba u geesanayay.