Allbanaadir.com
NEWS

Dad badan oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoon lagu ciyaaro kubadda Cagta

Garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo kuyaalla caasimadda dalka Madagascar ee Antananarivo ayaa waxaa ka dhacay iskuubarsho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 13-qof ayaa ku dhintay isbuurashada albaabka garoonka ka dhacday, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 100-qof, waxaana dadka dhintay ku jira todobo carruur ah oo doonayay in ay garoonka galaan.

Ra’iisal wasaaraha dalka Madagascar, Christian Ntsay ayaa shaaciyay in khasaaro badan ka dhashay isbuurashada dalkiisa ka dhacday, waxa uuna xusay in ay socdaan baaritaano ayna dib ka faah faahin doonaan dhibka dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah.

Garoorka Barea oo ka dhacday isbuurashada ayaa la sheegay in uu ka furmayay horyaalka dalkaasi, waxaana garoonka gudihiisa iyo bannaankiisa isugu tagay dad ka badan 50,000 oo qof , taa oo keentay in isbuurasho dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan ,Xildhibaano iyo Odayaasha Mudulood oo Go’aano culus kala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade

Jabhada ONLF oo ku dhawaaqday Xabad joojin iskeed ah 

Cabdi Cade

Jalmad qadiimi ah oo lagu iibsaday Lacag gaareysa Hal milyan oo dollar !!

Cabdi Cade