Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo saaray la wareegida ciidanka huwanta ee Ceelbuur

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu hambalyeeyay Ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug kadib dib xoreynta argagaxisada Sl Shabaab lagaga xoreeyay degmada qaddiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamadda xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ee soo hooyay guushan taariikhiga ah.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Xorreynta Ceelbuur iyo deegaannada kale, waxey ka dhigantahay gaaridda Galmudug ka caaggan kooxaha argagixisada. Waxaan xoogga saari doonaa gaarsiinta adeegyada bulsho oo ay khawaarijtu ka hortaagneyd dadweynaha muddo dheer. Dowladda Galmudug waxay si dhaqsa ah u gaarsiin doontaa dadweynaha adeegyada aasaasiga, waxayna ugu baaqeysaa hey’adaha gargaarka, saaxiibbada caalamiga ah in ay gacan ka geystaan adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa yiri “ Dadweynaha ku nool deegaanada laga eryay Al Shabaab, waxaan la wadaageynaa farxadda, waxaana ciidanka geesiyada ah ku ammaaneynaa sida ay u dhowreen xuquuqda muwaadiniinta intii ay ku guda jireen howlgalada iyo sida ay neecawda xorriyada ula wadaageen, una soo dhaweeyeen oo ay u muujiyaan wanaagga dowladnimada. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dadweynaha iney ka qayb qaataan dhammeystirka halganka dib looga xoroobayo aragagixisada, islamarkaana soo dhaweeyaan ciidamadda geesiyaasha iyo hay’adaha Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dadka loo karantiilay cudurka Ebola ee dalka Kenya oo sii kordheysa

Caydiid Ali

Wasiirkii Amniga Jubbaland iyo masuuliyiin la socotay oo gaaray Nairobi

Cabdi Cade

Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamanka Galmudug oo la doortay (Yaa ku guuleystay)

Caydiid Ali