Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo bogaadiyey dadaallada Xukuumadda Ra’isul Wasaare Kheyre

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa boggaadiyey dadaallada Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay ku bixisay dib u soo celinta kalsoonida beesha Caalamka ee ku aaddan hufnaanta hay’adaha maaliyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha iskaashiga wada jirka ah ee Soomaaliya iyo  Bangiga Adduunka (2019-2022) uu ka tarjumayo horumarka Xukuumadda Soomaaliya ay ka sameeysay dib-u-habeeynta laamaha maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadista ilaha dakhliga dalka.

“Barnaamijyada ay ansixiyeen Golaha Bangiga Adduunka ee ku saabsan maalgelinta adeegyada asaasiga ah, dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista fursadaha shaqo waxa ay dhiirrigelin u yihiin qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso”ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in fulinta barnaamijyadaas horumarineed lagu jaan-gooyo baahiyaha shacabka, gaar ahaan kobcinta ganacsiga dadka dan yarta ah, kor u qaadista fursadaha waxbarashada, yareynta saboolnimada iyo shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Golaha Maamulka ee Bangiga Adduunka (WBG) iyo Hay’adda lacagta (IMF) sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gacanta ay ka geysanayaan qorshayaasha ku saabsan hirgelinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Barnaamijka iskaashiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka ayaa salka ku haya kor u qaadista dakhliga, dhisidda awoodda Dowladaha Hoose, kobcinta adeeggyada asaasiga ah ee bulshada, horumarinta ganacsiga iyo taabbo gelinta maalgashi horseeda in si xawli ah dib loogu dhiso dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Khasaaraha ka dhashay qaraxii Muqdisho lagula beegsaday Ciidamo Talyaani ah

Cabdi Cade

Habraaca doorashada 11-kursi oo lagu dooranayo Beledweyne oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Khayre & Mahdi Guuleed oo siyaabo kala duwan uga hadlay RW la magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---