Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo goordhaw si buuxda ula wareegay degmada Ceelbuur

Ciidanka milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, oo sannado badan gacanta ugu jiray kooxda Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka huwanta ah ayaa dhowr jiho ka galay degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, waxa ayna ciidanka hadda isku fidinayaan xaafadaha kala duwan ee degmada Ceelbuur.

Ciidanka huwanta ayaa kahor inta aysan gelin degmada Ceelbuur qarxiyay gaadiid Al Shabaab qaraxyo ku diyaariyeen , waxaana la sheegay ciidanka magaalada qabsaday in aysan la kulmin iska caabin .

Dadkii ku dhaqnaa degmada Ceelbuur ayaa gabi ahaan isaga qaxay, waxa ayna ciidanka magaalada hadda ka bilaabeen howlgalo baaritaano , iyaga oona galay xarumo Al Shabaab magaaladaasi ku lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Maraykanka oo War kulul ka soo saaray xilka ka qaadistii lagu sameeyey Khayre

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo Kismaayo gaaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xogta lacagta Isra’iil uga baxday Dagaalka Xamaas iyo Xisbullah oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---