Go’aankii ka soo baxay Wasaarada Isgaarsiinta ee xukuumada Somalia ee lagu joojinayey aaladaha Tiktok, telegram iyo 1xbet ayaan dhaqan gelin, iyadoo la dhaafay xili Wasaaradu u qabatay in la xiro oo aheyd caawa 11:40pm daqiiqo.
Wasiirka Wasaarada isgaarsiinta ee xukuumada Somalia oo caawa fiidkii wareysi siiyey telefishinka Universal ayaa sheegay ineysan waxba iska bedelin oo uu dhaqan galayo go’aanka Wasaarada xiligii loo talo galay.
Hase ahaatee Shirkadaha isgaarsiinta ayaa weli ka caga jiidaya iney dhaqan geliyaan go’aanka Wasaaradda, iyadoo dadka isticmaala aaladahan ay weli sheegayaan iney shaqeynayaan.
Lama sababta uu u dhaqan geli waayey go’aanka Wasaaradda oo markii hore sheegtay iney arrintaas kala shirtay shirkadaha bixiya adeega Internetka.
Dadka intiisa badan ayaa aaminsan in Wasiirku uu talaabadan ku fududaaday, ayna adag tahay inuu keligiis qaato, dhaqana geliyo go’aan sidaas u weyn oo bulshada taabanaya.
Sida ay Allbanaadir u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan Wasiirka Isgaarsiinta ayaa shirkii maanta ee golaha Wasiirada ka dalbaday in la taageero talaabadan uu ku xirayo sadexda barood, hase ahaatee golaha wasiirada ayaa dalabkiisa diiday waxayna u sheegeen in marka hore uu go’aankan kala tashado qeybaha bulshada, ka dibna golaha ku soo celiyo si looga doodo, go’aan wadajir ahna looga qaato.
Sidoo kale Wasiirka ayaa looga yeeray golaha shacabka Somalia si wax looga weydiiyo talaabadan uu qaaday iyo sababta uu keeni waayey baarlaamka, maadaama uu yahay go’aan Masiiri ah.
Dadka isticmaala barahan la sheegay in la xirayo ayaa maalmahanba waday olole balaaran oo ay kaga hortagayaan go’aanka Wasiirka oo uu muuqday mid aysan ka warqabin dowlada inteeda kale.