Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada dowlada oo gaaray Ceelbuur iyo Al-Shabaab oo ka baxday

Sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka ayaa caawa gaaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Al-shabaabkii mudada dheer ka talinayey degmadaas ayaa la sheegayaa iney isaga baxeen halkaas markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan.

Ciidamada dowlada ayaa la sheegay ineysan gelin gudaha degmada ayna ku sugan yihiin hareeraha Ceelbuur sababo la xiriira xiliga oo habeen ah iyo miinooyin Al-shabaab ku aaseen hareeraha degmadaas.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney gelki doonaan degmadaas marka miino baar la sameeyo, lana hubiyo amniga gudaha degmadaas.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa galabta si buuxda ula wareegay tuulada Dac ee Gobalka Galguduud halkaasoo ka mid ah goobaha ay Al-Shabaab ka difaaceysay degmada Ceelbuur ka dib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Axmed Madoobe oo maanta dhagax dhig sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo war kasoo saartay Xil ka qaadistii Fahad Yaasiin iyo Go’aankii Farmaajo

Cabdi Cade

Madaale oo kormeeray Mashaariic ka socota Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---