Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Biixi oo tababar ciidan u soo xiray boqolaal askari (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tababar usoo xiray ciidamo cusub oo ka tirsan maamulkiisa.

Ciidankan oo tiro ahaan gaaraya 530 (Shan Boqol iyo Soddon) askari aya tababar ku dhamaystay dugsiga Tababarka ee Mandhera ee degmada Mandheera.

Waxay isugu jiraan Boolis, Asluub iyo dhallinyaro Shaqo qaran ah, kuwaasoo madaxweynaha hortiisa ku sameeyey gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayaan xirfadihii la baray muddadii ay carbiska ku jireen.

Muuse Biixi ayaa u hambalyeeyey ciidanka loo xiray tababarka, wuxuuna sheegay iney sugeyso gudashada waajibaad loo baahan yahay iney ka soo dhalaalaan.

Related posts

Cumar Filish oo albaabada ka xirtay qaar ka mid ah Masuuliyiinta degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

(Sawirro) NISA oo qabatay 3 nin oo ku eedeeysan..

Caydiid Ali

Raísul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan oo lagu riday xukun adag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---